Dawada Nafta

Dawada Nafta

Dr Ali Mohamed Salah

15,29 €
IVA incluido
Disponible
Editorial:
Looh Press
Año de edición:
2025
ISBN:
9788269367775
15,29 €
IVA incluido
Disponible
Añadir a favoritos

DAWADA NAFTA waa buug si qoto dheer u falanqeynaya nafta aadanaha iyo cudurrada ay la kulanto. Wuxuu si faahfaahsan u sharxayaa xaaladaha kala duwan ee naftu leedahay iyo sida loo daaweeyo cudurrada nafta ku dhaca sida hawo-raaca, iscajabka, islaweynida, istuska iyo xasadka. Buuggu wuxuu ka kooban yahay laba cutub oo waaweyn. Cutubka koowaad wuxuu faahfaahinayaa macnaha nafta, xiriirka ay la leedahay qalbiga, caqliga, jirka iyo ruuxda. Wuxuu sharxayaa sida loo hufiyo nafta iyo sida loola halgamo. Cutubka labaadna wuxuu si qoto dheer u falanqeynaya cudurrada nafta ku dhaca, astaamaha lagu garto, sababaha keena iyo daawooyinkooda. Dr. Cali Maxamed Salaax wuxuu adeegsaday Quraanka, Sunnada Nabiga ﷺ, iyo aqoonta culimada si uu u sharxo aragtidiisa ku saabsan daaweynta nafta. Wuxuu si gaar ah u falanqeeyey hannaanka ay culimadii hore u daaweyn jireen naftooda iyo casharrada laga baran karo. Buuggan waa il qiimo leh oo muhiim u ah qof kasta oo doonaya inuu fahmo naftiisa, cudurada ku dhaca iyo sidii uu uga bogsan lahaa.DR CALI MAXAMED SAALAX waa aqoonyahan diimeed, waa cilmi baare wax ka qoray culuum kala duwan sida xadiiska, culuum Quraanka, fiqiga iyo is bar-bar dhiga diimaha; (Yuhuudiyada, kristaanka iyo Islaamka) oo uu ka gaarey derajada (professor). Sanadkii 1991-kii, Dr Cali wuxuu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka Xadiiska iyo Diraasaadka Islaamka Jaamacadda Madiina, Sacuudi Carabiya, kadibna wuxuu ka qaatay shahaadada Master-ka cilmiga diinta iyo Diraasaadka Islaamka Maka sanadkii 1994-kii, ka dibna sanadkii 2000 wuxuu ka qaatay Doktoraadka Falsafadda iyo Diimaha Is-barbardhiga ah Jaamacadda Qaranka ee Malaysia. Ugu dambeyntii sanadkii 2020-kii, wuxuu ka qaatay Shahaadada Norwegian center for arbitration and legal services. Buugaagta uu Dr Cali daabacay waxaa ka mid ah kuwa Ingiriiska ah: Qur’aan: Moral Compass of the Believer (Looh Press, 2023); Evil Eye: Reality and Remedy (Looh Press, 2023); The Shield of Islam (Looh Press, 2024); Domestic Peace: Quranic Guidance for Building Healthy Family Bonds (Looh Press, 2024); The Pearls: An Anthology of Lectures on Morality, Spirituality, and Intellectualism (Looh Press, 2024); Jinn & Black Magic: Understanding The Reality & Seeking Remedies in Islamic Theology (Looh Press, 2024); 10 Stories from the Prophet: Reflections & Insights (Looh Press, 2024); The Abrahamic Paradigm: Pluralism, Salvation, and the Challenges of the Contemporary Abrahamic Trialogue (Looh Press, 2024). Kuwa Carabiga ah uu qoray waxaa ka mid ah: al-Takmiilah fii Taxqiiq Axaadiis min Jamcil Fawaaʾid: Qism al-Tafsiir (Looh Press, 2023); al-Islaam wal-Diyaanataanii al-Yahuudiyyah wal-Masiixiyyah: Muqaaranaat fii al-Uṣuul al-ʿCaqadiyyah (Looh Press, 2024). Kuwa Af-Soomaaliga ku qoran waxaa ka mid ah: Tiryaaq: Dawada Shubhada-turjumaad (Yaqiin Press, 2024); Dawada Nafta (Looh Press, 2025); iyo qoraallo kale oo badan. Hadda, Sheekh Dr. Cali Maxamed Salaax wuxuu qayb ka ahaa asaaska machadaka Iqra academy, sidoo kalena wuxuu soo qabtey jagada ah maamulha Iqra Foundation. Wuxuu haatan imaam ka yahey markazka Tawfiiq Islaamic centre.

Artículos relacionados

Otros libros del autor

  • The Abrahamic Paradigm
    Dr Ali Mohamed Salah
    This publication presents two refined versions of a PhD thesis (1996-2000) exploring Abrahamic interfaith dialogue, primarily from an Islamic perspective. It examines the concept of religious pluralism within Judaism, Christianity, and Islam, contrasting exclusivist and inclusivist viewpoints. The work critically analyses the Abrahamic Dialogue Project, assessing its objectives...
    Disponible

    11,26 €

  • Ten Stories from the Prophet ﷺ
    Dr Ali Mohamed Salah
    Stories have always played a crucial role in shaping the perspectives of audiences and readers, capturing their attention and directing it towards the underlying message. The stories of Prophet Muhammad ﷺ, however, hold a unique position; unlike ordinary narratives, they form an essential part of divine revelation, imparting the teachings of Islam in a compelling and accessible...
    Disponible

    14,87 €

  • Jinn and Black Magic
    Dr Ali Mohamed Salah
    This collection comprises a series of lectures delivered on various occasions by the author. As the inaugural volume in this series, it signifies the commencement of a long-term project dedicated to the dissemination of knowledge and wisdom. Future volumes will continue to expand this collection, incorporating new lectures as they are conducted, God willing. Through this series...
    Disponible

    14,46 €

  • The Pearls
    Dr Ali Mohamed Salah
    This collection comprises a series of lectures delivered on various occasions by the author. As the inaugural volume in this series, it signifies the commencement of a long-term project dedicated to the dissemination of knowledge and wisdom. Future volumes will continue to expand this collection, incorporating new lectures as they are conducted, God willing. Through this series...
    Disponible

    16,01 €

  • Tiryaaq. Tallaalka Shubhada
    Dr Ali Mohamed Salah
    Kitaabkan hortaada yaallaa waa miiddii laga tuujiyey siddeed sanno oo *baaris*, akhris, wadasheekaysiyo iyo doodo ahaa, aniga oo isku taxallujiyey in aan wixii is lehba dhinac isku mariyo, waxana aan ku dedaalay in aan habeeyo oo quraaro. Waxana aan markaas ka bilaabay meesha ay tahay in laga duulo, taas oo ah in aan saxo ilaha aqoonta laga qaato, taas oo ahayd ka dib markii aa...
    Disponible

    13,86 €

  • التكمله في تحقيق أحاديث من جمع الفوائد. قسم التفسير
    Dr Ali Mohamed Salah
    منهجي في البحث:عرض ترجمة المؤلف والتعريف بكتاب جمع الفوائد.إيراد الحديث كاملاً بنصه كما هو في الأصل تخريج الحديث من بطون كتب الحديث، كالصحاح والسنن والمسانيد والمعاجم التي أخرجته، أو ما يتيسر الوقوف عليه في بطون تلك الكتب.إجراء مقارنة بين روايات الحديث التي تم الوقوف عليها، فما كان منها موافقا لنص الحديث الذي في الكتاب الذي يجري عليه التحقيق أشرت إليه باللفظ نفسه، مع ذكر الزياد...
    Disponible

    19,54 €